Ciidamada Xasilinta Caasimada Oo su’aalo weydiinayo Shacabka degmada Waabari

0
324

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgal ballaaran waxa ay ka sameeyeen Xaafadaha degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

Howlgalka ayaa ahaa mid gaar ah oo ay Ciidamadu ka sameyeen xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Waaberi, iyagoo dadka qaar ee xaafada Degan ay weydiinayeen su’aalo gaar ah oo Qofka la xiriira.

Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee howlgalkaan waday ayaa  sheegay in ujeedka Howlgalkan uu ahaa mid lagu sugayay amniga Degmada.
Intii uu howlgalku socday ayay ciidamada dowladda ay soo qabteen dhalinyaro aad u badan inkastoo markii dambe baaris lagu sameeyay ka dib la siidaayay badankood.

Ciidamada Xasilinta Caasimadda ayaa laba jibaaray bilihii lasoo dhaafay howlgallada ay ka waddaan Magaalada Muqdisho.