Ciidanka joogay Koontaroollada Madaxtooyada Soomaaliya oo la kordhiyay,Kadib Markii La ogaaday

0
282

Kadib iska hor imaadkii shalay ka dhacay laba ka mid ah Koontaroolada laga galo Madaxtooyadda Somaliya, ayaa waxaa la soo kordhiyay ciidamadii ku sugnaa Koontarooladaasi, kadib markii la bedelay ciidankii halkaasi joogay ee shaqaaqada shalay dhexmartay ciidamada Nabad Suggida.

Koontaroolka ku dhaw Isgoyska Umbulutooriyadda ayaa waxaa markii hore joogi jiray ciidamo gaaraya ilaa 5 askari oo Birta halkaasi taalla iyo Koontaroolka ku sugnaan jiray, laakiin tirada ciidankii halkaasi joogay ayaa la kordhiyay, waxaana laga dhigay 10 askari.

Sidoo kale waxaa la kordhiyay ciidanka ku sugan Isgoyska Sayidka ee Koontaroolkaasi joogay, kuwaasi oo goobta soo dhigtay gaadiid dagaal iyo ciidamo badan, taasi oo muujinaysa inay ku jiraan feejignaan adag.

Ciidanka kale ee ku sugan Koontaroolka ku dhaw tiyaatarka Qaranka, ayaa la bedelay, waxaa meeshaasi la keenay ciidamo ka tirsan kuwa Militariga oo iyagana fara badan.

Koontaralada ciidamada ay joogaan ayaa waxaa la jooga ciidamo ka tirsan Booliska Somaliya oo amray Taliyaha ciidanka Booliska inay halkaasi tagaan, si xaaladda loo xasiliyo haddii ay suuragal noqoto dhibaato halkaasi inay ka dhacdo.

Shaqaaqadii shalay dhexmartay ciidamada Nabad Suggida iyo Militariga ayaa ciidanka dhexdooda ka dhex dhalisay kala shaki, waxaana Magaalada lagu kala marayaa xaalad feejignaan ah, marka la eego sidii markii hore ciidanka isku dhex gali jireen iyo marxaladda maanta taagan.

Taliyaha Nabad Suggida Somaliya ayaa amray ciidanka xasilinta inay hawlahooda sii wataan oo aysan saameyn ku yeelan shaqaaqadii shalay ka dhacday Magaalada Muqdisho.