Ciraaq oo Somaliya iyo Kenya kala talisay habka ay uga adkaan karaan Al-shabaab

0
342

Dowladda Ciraaq ayaa Waddamada Kenya iyo Soomaaliya ee dagaalka kula jira Xarakada Al-shabaab kala talisay sida ugu wanaagsan ee ay uga guuleysan karaan Xarakada Al-shabaab.

Danjiraha Dowladda Ciraaq ee Kenya Dr Zai Nuur,ayaa sheegay in Kenya iyo Soomaaliya uu kula talinayo in ay si xeeladeysan ula dagaallamaan Al-shabaab halkii ay dagaal toos ah ku qaadi lahaayeen.

Isaga oo u warramayay Sunday Nation,ayaa waxaa uu xusay in Dowladda Ciraaq ay ka guuleysatay Daacish iyada oo martay sida ugu wanaagsan uguna khasaaraha yar.

Waxaa uu sheegay in ay Muhiim tahay in Waddamada Gobolka ay ka go’antahay ciribtirka waxa uu ugu yeeray Argagixisada kaddibna ay tahay in laga jaro ilaha dhaqaalaha,Hubka iyo Rasaasta ay ka helaan,markaas kaddibna la bartilmaameedsado dadka ugu muhiimsan.

Dr Nuur,ayaa ku faanay in howgalkii ugu dambeeyay ee Ciidamada Ciraaq ay kula wareegeen Magaalada Mowsul,ay ku timid Ciidamada Ciraaq oo dhilka ka weerar galayay kuwa saaxiibada ahna ay ka caawinayeen cirka iyo tababarka dhanka sirdoonka ah,waxaana uu intaas ku daray in Kenya iyo Soomaaliya ay heystaan fursad wanaagsan oo ay isaga kaashan karaan dagaalka Al-shabaab iyaga oo maraya wadiiqada Dowladda Ciraaq ku jebisay Daacish.