{DAAWO MUUQAALKA} Kaniisad mudo 30 sano ah Kadib Hargeysa oo dib loo furay

0
342

Magaalada Hargeysa waxaa dib loo furay Kaniisad xirneyd mudo 30 sano, taa oo sida la sheegay ay ku cibaadeysan doonaan dadka aan muslimka ahayn ee shaqooyinka kala duwan u jooga Soomaaliland.

Haweeney lagu magacaabo Marianne Vecchione ayaa iyada oo ku sugan magaalada Hargeysa ayaa ku dhawaaqday in Soomaaliland dib looga furay Kaniisad muddo 30 sano halkaas ku taallay oo ay ku cibaadeystaan dadka heysta mad-habta Katooliga.

Iyadoo ka hadleysan munaasabad halkaa lagu qabtay ayeey sheegtay in labo howleed ay u timid Hargeysa, sida inay furto Kaniisad iyo inay dadka si mutadawacnimo ugu adeegtay.

Marianne ayaa sheegtay in maamulka Somaliland ay dalnimadooda ay muhiim u tahay in dadka Kirishtaanka ah loo ogolaado meel ay ku cibaadeystaan.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Somaliland oo ku aadan sheegashada haweeneydan ajaaniibta ee ah Hargeysa dib looga furay kaniisad xirneyd muddo 30 sano ah.

https://youtu.be/ELb1hMWI0Pk