{DAAWO SAWIRADA} Agaasimaha Hay’adda socdaalka oo gaaray Magaalada Jowhar Iyo So Dhaweyn Wanaagsan oo Lo sameyay

0
386

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) iyo wafdiga uu hoggaaminayay ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wafdiga Agaasimaha ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha magaalada Jowhar ku soo dhaweeyay Madaxa Laanta socdaalka Hirshabelle Ibraahin xuseen yuusuf {SHELARO} Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe, Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle iyo xubno kale.

Agaasime Koofi iyo Wafdigiisa ayaa soo dhaweynta kadib waxaa loo soo galbiyay xarunta Madaxtooyada Hirshabeelle, halkaasi oo uu kula kulmay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe

Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya iyo Madaxa Laanta socdaalka Hirshabelle Ibraahin xuseen yuusuf {SHELARO}  Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ka wada hadlay hirgelinta xafiis laga qaato Baasaboorada.

 

 

Kulanka kadib waxaa saxaafada la hadlay Agaasime koofi wuxuuna ka warbixiyay socdaalka uu ku tagay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

 

“Waxaan halkan u joognaa kormeer aan ku sameyn doono xafiisyada ay adeega ka bxiiso Hay’addu, ee ku yaalla Hirshabeelle iyo sidoo kale inaan hadiyad ka gudoono maamulka Hirshabeelle, kaasi oo ah dhul ay ugu deeqeen Hay’adda”. Ayuu yiri Agaasime Koofi.

 

 

Ibraahin xuseen yuusuf {SHELARO} Madaxa Laanta socdaalka Hirshabelle ayaa shegay in mudooyinkii danbe ay wadeen qorshaha xafiiska socdaalka iyo jinsiyadaha soomaaliya Loga furaa Jowhar ay tahay mid ay kawada shaqeyeen maamulka hirshabelle iyo Dowlada Federaalka soomaaliya,

 

 

Dhanka kale Cali Guudlaawe ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin soo dhaweynta wafdiga Agaasime Koofi, isaga oo sidoo kale sheegay in Hay’adda socdaalka ay u diyaariyeen dhul banaan oo ay dhisaneyso.