{DAAWO SAWIRADA} Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey oo laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga

0
382

Danjiraha cusub ee dowladda Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baalle ayaa xarunta Qaramada Midoobey ee Newyork looga guddoomay waraaqaha aqoonsiga ee Danjirnimo.

 

 

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa Danjire Abuukar Baalle ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga, iyadoo Danjiraha iyo Xoghayaha Guud ay kulan gaar ah qaateen.

 

 

Danjire Abuukar Baalle ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in laga guddoomo waraaqaha aqoonsiga ee Danjirnimo, isagoo sheegay inuu waajibaadkiisa u gudan doono si waafaqsan diblomaasiyada.

 

Abuukar Baalle oo ah reer Mareykan degenaa Gobolka OHIO, ayaa horay xilal kala duwan uga soo qabtay dowladda Soomaaliya, waxaana markii u dambeysay uu muddo bilo uu ahaa Agaasimaha Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

 

 

Wareysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayuu ku beeniyay wararka sheegaya in aanu heysan xasaanad diblomaasi, maadaama uu heysto dhalashada Mareykanka, waxaa uu xusay in baasaboorkiisa diblomaasiga Soomaaliga ku soo galay Mareykanka, isla markaana uu heysto xasaanad diblomaasi.

 

 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhowaan Abuukar Baalle u magacaabay Danjiraha Soomaaliya u fadhin doona Qaramada Midoobey, kaddib markii danjirihii hore Yuusuf Garaad uu bishii March ee sanadkan ka mid noqday Golaha Wasiirada Soomaaliya.