{DAAWO SAWIRADA} Dowlada Mareykanka oo Matoorro ku wareejiyay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya

0
335

Dowladda Mareykanka ayaa Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhigga ku wareejisay Motoorrada dabka dhaliya,kuwa Biyaha iyo Baldoosarrada.

Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa bartooda Twitter-ka ku soo qoray in Dowladda Mareykanka ay dowladda ay saaxiibka yihiin ee Soomaaliya ku wareejisay Matoorradaas iyo Gaadiidka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Deeqday Wasaaradda gaashaandhigga ka guddoontay Mareykankanka ay tahay hanaanka dib u dhiska Hay’adaha dowladda Soomaaliya ee taageerada ka hela Mareykanka.

Mas’uuliyiin ka mid ah Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa qalabkan kala wareegay wakiillada ka socday Xafiiska Mareykanka ee Soomaaliya.

Qalabkan waxaa adeegsan doona Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dowladda Soomaaliya waxaana Matoorrada lagu wareejiyay loo adeegsan kala abiyo dhalinta iyo dab dhalinta,sidoo kale waxaa ka mid ah baldoosarrada waa weyn ee ay Adeegsadaan Ciidamada.