{DAAWO SAWIRADA} Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle oo maanta booqatay Suuqa weyn ee Jowhar

0
364

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Marwo Canab Axmed Ciise ayaa maanta kormeer ku tagtay qaar kamid ah goobaha muhiimka ah ee magaalada Jowhar xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle.

 

Marwo Canab Axmed Ciise oo ay wehliyaan  xubno ka tirsan Baarlamaanka DG iyo maamulka heer gobol iyo heer degmo , taliyaha Qeybta Booliiska G/sh/dhexe , duqa Magaalada Jowhar iyo xubno kale  ayaa soo kormeertay qeybaha kala gedisan ee suuqa ugu weyn magaalada caasimadda u ah DG Hirshabeelle.

 

Marwada ayaa waxay u kuurgalaysay xaaladda ganacsatada yar yare ee magaalada jowhar waxayna si gaar ah isha ula soo raacday suuqa Lagu iibiyo Qudaarta,sisinta iyo hilibka ee magaalada Jowhar iyadoo la sheekeysatay dadkii wax ka iibsanayay suuqa iyo qaar ka mid ah ganacsatada , waxayna ka soo iibsatay qudaarta gobolka Sh/dhexe ay caanka ku tahay oo noocyo kala gedisan.

 

 

Sidoo kale  waxay soo booqatay suuqa sisinta oo ay ka socotay iibka sisinta magaalada Jowhar waxayna si aad ah beeralayda ugu amaantay dadaalada wax soo saarka beeraha gaar ahaan dalagga sisinta oo ah nooca koowaad ee DG Hirshabeelle ay u iibgeeyaan Dowlad Goboleedyada deriska nala ah iyo waliba wadamada dibadda .

 

 

Intii ay ku gudo jirtey Marwada Booqashadeeda ayaa waxay sidoo kale  booqatay Cusbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee ay Gacanta ku hayso Hey’adda IMC, waxayna maamulka iyo shaqaalaha ku amaantay dadaalka ay ugu jiraan habeen iyo maalin badbaadinta Hooyada iyo dhallaanka , waxayna maamulka, dhaqaatiirta iyo shaqaalaha Cusbitaalka ku guubaabisay in ay labo laabaan dadaalkooda ku aadan sidii mar walbaa ay u badbaadin lahaayeen Hooyada iyo dhalaanka.

 

 

Booqashadaasi kadib ayaa Marwo Canab Axmed Ciise ayaa waxa ay shir jaraa’id ku qabatay  gudaha suuqa lagu iibiyo hilibka , waxayna saxaafadda u xaqiijisay in mudadii ay ku gudo jirtey booqashadaa cabasho kaga timid ganacsatada hilibka oo kaga cawday dhinaca nadaafadda iyo daaqadaha kawaanka oo yar waxayna u ballanqaaday ganacsatada hilibka in ay wax weyn ka qaban doonaan sida ugu dhaqassiyaha badan.

 

 

Kormeerka Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Maamul Goboleedka  Hirshabeelle  ayaa noqonaysa xubintii ugu horeysay oo mas’uul sare ka ah maamulka Hirshabeelle  oo kormeer uu ugu kuurgalayo  shacabka iyo goobaha ay ku ganacsadaan ku tagaan  xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ee Jowhar.