{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Hirshabelle Iyo Ganacsatada Baladweyne Oo Kulan Wada Qaatay Iyo Ganacsatada Oo So Bandhigay Lacagihii Ku Dhacay

0
433

Kalankan manta dhaxmaray madaxweynaha maamulka hirshabelle cali cabdulaahi cosoble iyo Ganacsatada Magalada Baladweyne ayaa waxaa lagu so bandhigay  Lacagahii shilin soomaaliga ahaa ee ku dhacay qaar kamid ah ganacsatada Baladweyne,

Qaar kamid ah ganacsatada oo Magalada Baladweyne oo ka qeyb galay Kulanka ayaa goobta ka hadlay waxana ay soo bandhigeen Lacagii ay ku ganacsanaayeen oo ladiiday waxana ay intaa raaciyeen in dadka ay galeen xalad adag oo dhinaca nolosha ah ,

Madaxweynaha Maamulka hirshabelle cali cabdulaahi cosoble ayaa shegay kulanka manta ay laqaateen  ganacsatada Baladweyne u jeedkiisa u ahaa in ay ogadaan dhibaatada so gaartay Ganacsatada Baladweyne waxana uu intaa raaciyay In la dhacay Hantidada Shacabka iyo Ganacsatada Reer Baladweyne,

 

Madaxweyne Cosoble Ayaa Baaq u diray Shacabka Iyo Madaxda Maamulka Puntlan iyo Dowlada Soomaaliya oo ku adan in ay wax ka qabtaan dhibatada ka jirto baladweyne madaamada Lacagtan lagu so dabacay deganada Maamulka Puntland,

 

Tan iyo Markii ay dhacday dowladii dhaxe ee soomaaliya  ayaa waxaa gobolada dalka laga isticmaalayay lacago been abuur ah oo ay sameynayeen shaqsiyaad aan la aqoon  waxana mudo kadib la diidaa isticmaalka shilinka soomaaliga ,

Cabdi Axmed Xuseen 

Radio Hiranweyn Baladweyne