{DAAWO SAWIRADA} Ra’iisal Wasaaraha Somaliya M Kheyre oo la kulmay Ciidanka xasilinta Caasimada

0
332

Xasan Cali Khayre, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, ayaa maanta kulan dardaaran ahaa la qaatay Ciidamada Xasilinta Caasimadda, ka dib iska horimaadkii Militariga & Nabad Suggida ku dhex maray Magaalada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, ayaa waxaa kulankan ku wehlinayay Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Xildhibaano Baarlamaanka ka tirsan iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, qaarkood.

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa Ciidamada Xasilinta kula dardaarmay inay sii wadaan hawlgaladooda, ay ku suggayan nabadgelyada Magaalada Muqdisho, isla-markaana aanay ku niyad jabin shilkii ciidamada qaarkood magaalada ku dhex maray maalintii Arbacada.

Waxaa uu sheegay in maanta uu ugu yimid, sidii uu uga tacsiyadeen lahaa geerida ku timid askartii ku dhimatay iska horimaadka labada ciidan ku dhex maray Bartamaha Magaalada Muqdisho.

Xasan Cali Khayre, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, ayaa tilmaamay in wax kasta uu amniga ka bilowdo, isla-markaana ay ciidamadu hayaan shaqo wanaagsan, oo ay raali kaga yihiin.

Xildhibaan C/fitaax Qaasim Maxamuud oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka, ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre ay ku taageerayan ka warqabka ciidamada.

Xildhibaanka, ayaa dhalinyarada ku jira Ciidamada Xasilinta kula dardaarmay inay ka shaqeeyan nabadgelyada, ayna dalka u horseedan horumar, si looga baaqsado qulqulka dhalinyarada tahriibeysa.