{DAAWO SAWIRADA} Sida Loo Soo Celiyay Bilicda Jidka sodanka Ee Magaalada Muqdisho

0
794

Wadada isku xirta isgoyska degmada Kaaraan illaa Suuqa degmadaas ee magaalada Muqdisho ayaa laami la saaray markii ugu horeysay muddo sodon sano ka badan.

Wadadan ayaa burburka ka sokow waxaa qariyey bacaad fara badan oo dhibaato badan ay ku qabeen gaadiidka isticmaali jiray.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa dhowaan markii xilka loo magacabay dhagax dhigay dhismaha wadadan oo ku fadhida masaafo ka yar 2-km, waxayna xiriirsan tahay isgoyska Kaaraan illaa halka loo yaqaano Xaliimo Hiite.

Wadadan ayaa ka mid noqonaysa wadooyinka magaalada Muqdisho ee nasiibka u yeeshay in dib loo dhiso sanadahan dambe, waxaana weli qeybo ka mid ah magaalada ka socda dib u dhiska wadooyin ku burburay dagaaladii sokeeye sida wadada dheer ee Soddonka.