{DAAWO SAWIRADA } Xafiiska Hay”Aada Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo laga Furay Jowhar

0
365

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa maanta waxa ay xafiis ka furatay magalada jowhar ee xarunta dowlad goboleedka hirshabeelle
xafiiskan ayaa waxaa uu adeegyada socdaalka iyo baasaboorada u fududeeyn doonaa bulshada ku dhaqan deegaanada hirshabeelle
Ibraahin xuseen yuusuf {SHELARO} Madaxa Laanta socdaalka Hirshabelle ayaa shegay in mudooyinkii danbe ay wadeen qorshaha xafiiska socdaalka iyo jinsiyadaha soomaaliya Loga furaa Jowhar ay tahay mid ay kawada shaqeyeen maamulka hirshabelle iyo Dowlada Federaalka soomaaliya
waxaa kale ee uu shaagay Ibraahin xuseen yuusuf {SHELARO} Madaxa Laanta socdaalka Hirshabelle in xafiiskan maanta la furay uu u adeegi doono bulshada ku dhaqan deegaanada hirshabeelle
furitaanka xafiiska waxaa kasoo qeyb galay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Hey”ada socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda soomaaliya kuwaas oo garoonka diyaaraha jowhar ay kusoo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan hirshabeelle