{DAAWO SAWIRRADA} Xoghayihii Hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo xilka Wareejiyay Maanta.

0
397

Xoghayihii Hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Yaxye Cali Ibraahim oo dhawaan uu shaqo joojin ku sameeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Saciid ayaa maanta xilka wareejiyay.

Munaasabad lagu qabtay Muqdisho ayaa xilkaasi waxaa la wareegay Xoghayaha Cusub ee KMG ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdullaahi Maxamuud Xassan Azhari .

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ka qeyb galay Munaasabadda xil wareejinta.

Wasiir ku xigeenka iyo Wasiir dowlaha Wasaaradda Arrimaha ayaa horay uga soo horjeestay Xilka qaadista Yaxye Cali Ibraahim.