Dabeylo khasaare geystay oo xalay ku dhuftay Caluula Iyo Warar Dheraad Ah oo Ka sobaxaayo

0
328

Degmada Caluula ee Gobolka Bari waxaa la sheegayaa in ay dabeyl ku dhufatay degaankaas iyo degaannada u dhow ee Xeebta dhaca.

Wararku waxaa ay sheegayaan in aysan jirin khasaare nafeed laakiin ay jirto khasaare Hantiyadeed oo ka dhalatay dabeysha ku dhufatay degmada Caluula iyo degaannada hoostaga.

Inta la xaqiijiyay Tiro Doomo kalluumeysi ah ayey dabeylaha qaadeen,waxaana qaarkood ay badda soo tuurtay iyaga oo bur buray.

Sida ay sheegayaan dadka degaanka waxaa ay ka walaacsan yihiin dabeylaha degaankaas ku soo noq noqda islamarkaana sababa khasaaraha nafeed iyo midda Hantiyadeed ee ka dhalata dabeyshaas.

Mas’uuliyiinta degaanka iyo kuwa maamulka Puntland wali kama hadlin debeysha xalay ku dhufatay degmada Caluula iyo degaannada hoostada ee Gobolka Bari.