DEG DEG:- Qarax Gaari oo ka dhacay degmada Waaberi

0
369

Wararka ka imaanaya degmada Waaberi ee gobolka Banaadir gaar ahaan Waaxda Horseed ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow halkaasi uu ka dhacay Qarax Gaari, kaasi oo laga maqlay xaafadaha demagaasi, sida ay inoo sheegeen maamulka degmada Waaaberi.

Qaraxan ayaa Gaarigiisa loogu xiray nin lagu magacaabo Cabdi Cunguf oo degmada Waaberi si weyn looga yaqaano, waxaana uu horey uga mid ahaa Hoggaamiye kooxeedyada, sida ay inoo sheegeen dadka degaanka.

Qaraxan ayaa waxaa ku dhaawcaantay Cabdi Cunguf, Haweeney iyo wiil yar oo Gaariga la saarnaa,  sheegay Sarkaal tirsan Ciidamada Dowladda, waxaana dhaawacooda loo qaaday mid ka mid ah isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho.

Gaariga Qarxay ayaa nuuciisa waxa lagu sheegay Alion, kaasi oo uu soo gaaray burbur xoogan.

Goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa waxaa gaaray Maamulka degmada iyo saraakiisha Amniga, kuwaasi oo shacabka halkaasi ka kal eryay, sidoo kalena wada baaritaano.