Dhacdo Naxdin leh OoLo geystay Hooyo reer Baladweyna ah

0
365

Hooyo Dan yar ah oo ku nool Magaalada Baladweyne ayaa maalin kahor la kulantay dhac farsameysan oo weli noociisa uusan ka dhicin Dalka Soomaaliya inta ogaalkeyga ah, ka dib markii Hooyadan Dhibanaha ah ay sheegtay in dhawaan Warbaahinta la iska arko ay ka baahisay Wiil yar oo ay dhashay oo Xanuunsanaya kaas oo ay Dadka Somaliyeed ay kaga codsanaysay in ay ka caawiyaan sidii Caafimaad dibada ah uga heli lahayd.

 

Waxaa dhacaday markii Talefoonkeeda ay ka baahisay Tv-ga ay la soo xiriirtay haweney isku sheegtay in ay joogto Dalka dibadiisa diyaarna ay u tahay in ay iyada iyo Dad kale oo Mutadawiciin ah oo Soomaliyeed ay diyaar u yihiin in ay cawiyaan dhaqalana ay u soo dirayaan, Hooyad Dhibanaha ah ayaa sheegtay in Haweyndii la soo xiriirtay ay u soo dirtay lacag dhan $100.

 

 

Waxaana maalmo kadib Hooyadan la soo xiriiray Haweyndii lacagta u soo dirtay waxayna ku wergelisay in ay timid Magaalada Muqdisho loona baahanyahay in ay Accoun ka furato Salaam Bank si lacago loogu soo diro iyadoo intaas u sii raacisay in Accounkasi ay ku shubto lacag aan ka yareyn $800 ama $1000 si Accounka loo ogaado in uu shaqeynayo lacagna ay ku jirto.

 

 

Hooyadan dhibabaha oo aan wax badan ka garaneynin sida loo furto Accounka ayaa furatay Accoun cusub waxyna ku shubtay lacag deyn ah oo dad kale ay ka soo qaaday oo dhan $800 mamada ay tahay hooyo u abahan dhaqaale intaa ka badan.

 

 

Maalmo ka dib ayaa waxa Hooyadii la soo xiriirtay Haweyndii ku qasabtay in ay furato Accounkii waxayna ku wergelisay in ay u hayso lacago badan oo loo soo diray sidaa darteed loo bahanyhay in ay soo qorto Accoun Numbarkeeda, Numbar Sireedka Accounka iyo Numbar sireedka Mobilkeda gacanta, Hooyadan oo aaminaad badan ku qabtay haweyndan madama ay horey lacag ugu soo dirtay ayaa waxa ay siisay wax walbo oo macluumaad ah oo laxiriira Accoukeda.

 

 

Waxaan dhacday in maanta haweyneydii shirqoolka damac saneyd ay tagtay Shirkada Hormuud iyadoo ku wergelisay in Numbarkii Maamada Dhibanaha ahayd ay iyada leedahay lagana soo dhacay ayna u baahantahay in loo cusbooneysiiyo markii ay Macluumadkii loo bahan ay wada sheegtay ayaa waxaa lasiiyay Simicardkii oo loo cusbooneysiiyay intaa ka dib ayaa haweneydii waxaa u suurta gashay in ay labaxdo wax walbo oo lacag ah oo ku jiray Accounka Hooyadii dhibanaha ahayd madama Macluumad dhameestiran ay haysatay.

 

 

Hooyadii dhibanaha ah ayaa ka war heshay xili Duhur ah in Numbarkeedii uu san shaqeyneynin ka dib waxay la xiriirtay Shirkada waxaana lagu wergeliyay in la cusbooneysistay Numbarkaasi lacag badana lagala baxay Accounkeedii ayna sidaasi sameysay Haweney kale.

 

 

Hooyadan dhibanaha ayaa qaracantay waxayna gar waaqsatay in ay dhacantahay iyadoo shirkada ka codsatay in lacagteeda loo soo celiyo, hasa ahaatee waxaa loo sheegay in lacagtasi aan la soo celin karin maadaamada haweyneyda ay shirkada ay u sheegatay Macluumaad dhamestiran lacagtii ay labaxdayna ay wada sarifatay taas oo amakaag iyo Naxdin ay ku noqotay Hooyadii Dhibanaha ahayd oo iyadoo dhacan oo Deyn lagu leeyahay gurigeeda ku laabatay halka wiil Xanunsana guriga uu u jiifo.

 

 

Waxa ayna sheegtay Hooyadan in xaaladii heesatay wiilkeeda hada uga daran ahay midan kale lasoo daristay laguna heesto lacagtii deynta ahee ee laga dhacay, waxa ayna ugu baaqday dadka muxsiniinta Soiomaaliyeed in ay garab siiyaan .

 

 

Ugu Dambeyn bulshada Soomaaliyeed ayaa looga digayaa burcadan nuuca cusub ee soo baxay, waxaana burcadan yihiin kuwa si xeeladeesan dadka ku dhacaya iyaga oo iska dhigaya kuwa caawinaya dhibanayaasha.

 

 

Waxaa qoray: C/fitaax Macalin Nuur Qeys
Tell: +252615561892
Email: fitaaxqeys@gmail.com