{DHAGEYSO} Guddoomiyaha Bankiga dhexe oo ka hadlay Lacagaha Been abuurka ah

0
345

Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali oo Maanta Shir Jiraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa ka hadlay Lacagta Shilinka Soomaaliga ah ee Been abuurka ah oo Mudooyinkii dambe saameynta ku yeelatay Ganacsiga ka jira Maamulada Puntland,Galmudug iyo Hirshabelle.

 
Guddoomiye Bashiir ayaa sheegay in Lacagtaas ay Xayirtay Ganacsiga Gobolo badan oo Soomaaliyeed islamarkaana loo baahan yahay in wax laga qabto sidii loo joojin lahaa.

 
Bankiga dhexe ayuu sheegay Guddoomiyaha inuu ku Howlan yahay inuu soo daabaco Lacago Sax ah oo aan la been abuuri karin islamarkaana noqon doonta mid Soomaaliya oo dhan ka shaqeysa oo si weyn looga tashaday soo daabaciddeeda.