Dowlada Soomaaliya Oo Shegtay in Ciidamadeeda ay waqti dhow la wareegaya guud ahaan dalka

0
293

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay isku diyaarineyso sidii guud ahaan dalka Soomaaliya Ciidamada ay ula wareegi lahaayeen, iyada oo hada la qaban qaabainayo sidii Ciidanka AMISOM ay uga bixi lahaayeen dalka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay kahor inta aysan AMISOM ka bixin dalka qorshaha in uu yahay sidiii Shabaab looga saari lahaa degaanada ay ka joogaan gobolada dalka oo Ciidanka Qaranka ay u gaari lahaayeen.

Qorshaha Dowladda hada u diyaarsan ayuu Ra’iisul Wasaare ku xigeenka sheegay in uu yahay dhismaha Ciidanka, si Soomaaliya ay isugu tashato, maadaama aduunka uusan ka jirin Ciidan shisheeye oo dal kale difaaca.

“Ku tala galka waxa weeye marka hore in la dhiso awooda iyo tayada Ciidamada xooga dalka, oo mar walba u taagan la dagaalanka cadowga, waan u mahad celineynaa walaalaheena AMISOM, oo dalalka aan deriska nahay noogu soo gurmaday, waxaan taagan nahay xilligii aan isku tashan laheyn oo aan ula wareegi laheyn ammaanka guud ee dalkeena”

AMISOM ayaa Soomaaliya soo gashay 2007-dii, waxayna Soomaaliya joogaan mudo ku siman 10 sano iyaga oo Shabaab la dagaalamaya, intaasi AMISOM waxay gaareen hormar yar oo ku aadan in Shabaab ay kala wareegeen qaar ka tirsan degmooyinka gobolada dalka iyo in Shabaab laga saaray Muqdisho.