Dowladda Mareykanka Oo ka Hadashay howlgal lagu soo qabtay sarkaal ka tirsan Al-shabaab

0
362

Mareykanka ayaa si kooban uga hadlayy hawlgal horaantii toddobaadkan laga sameeyay magaalada Gaalkacyo, kaasoo lagu soo qabtay sarkaal lala xiriirinayo Al-shabaab.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa sheegay in hawlgalkan oo ay iska kaashadeen ciidamada Mareykanka iyo kuwo Soomaali ah lagu soo qabtay C/risaaq Xusseen Tahliil

Afhayeenka ciidamadaAFRICOM, haweeneyda lagu magacaabo Jennifer Dyrcz, ayaa sheegtay in C/risaaq Xuseen Tahliil uu ahaa fududeeye Ururka Al Shabaab u qaabilsanaa dhinaca qaraxyada.

Jennifer Dyrcz oo la hadashay Washington Post, ayaa sheegtay in C/risaaq Xusseen uu ku noolaa dalka Mareykanka, intii u dhaxeysay 2006-2009-kii, isagoo haystay sharciga deganaanshiyaha Mareykanka.

Laakiin dhinaca kale marka la eego Xildhibaan Maxamed Xuseen Tahliil oo ka tirsan Xildhibaanada Galmudug, lana dhashay ninka lagu xiray Magaalada Gaalkacyo, ayaa beeniyay in walaalkii uu ka tirsan yahay maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Tahliil, ayaa ku waramaya in hadda ka hor ay Ciidamada Puntland xabsiga dhigeen C/risaaq Xuseen, hase ahaatee ay soo sii daayeen, markii wax dembi ahi ay ku waayeen, sida uu yiri.

Xildhibaan Tahliil oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa waxaa uu qiray in walaalkii uu hadda ka hor ku noollaa dalkaasi Mareykanka, isagoo intaa ku daray in dalal badan uu maray.

Bishii October ee sanadkii hore ayuu shaqsigan ka soo buuqday kulan lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo, ayuu iska fogeeyay inuu ka tirsan yahay Al- shabaab.