Dowladda oo sheegtay in ay lasoo wareegayso 118 Maxbuus

0
319

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay waddo qorshe ay kula soo wareegayso Maxaabiis ka badan 118 qof oo ku xiran dalka Hindiya.

Waxaa uu sheegay in dhawaan dalka India ay gaari doonaan Xeerilaaliyaha Qaranka iyo Wasiirka Caddaaladda Soomaaliya ay si u soo qaadaan Maxaabiistaasi.

Mudane Mahdi ayaa sidoo kale tilmaamay in dhawaan sidoo kale Muqdisho loosoo wareejin doono Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran Jasiiradda Seychelles .
Dowladda Soomaaliya ayaa intii ay jirtay ku guuleysatay in ay soo deyso Maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xirnaa dalka Itoobiya Muddo badan.

Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalka India ayaa la kulma dhibaatooyin xooggan waxaana badankood loo heystaa falal Burcadbadeednimo.

Waxaana dowladdu ay sheegtay in muddo ka yar sanad in dhammaan Maxaabiista ku xiran dalalka Caalamka Muqdisho la keeni doono.