FAAH FAAHIN DHEERAD AH:.Dab Xoogan oo ka Kacay Guri-ceel

0
311

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in dab uu Goor dhow uu ka kacay kaalin Shidaal oo ku taalla degmadaasi.

Dabka ayaa la sheegay Kaalinta uu ka kacay in ay ku taallo goob muhiim ah oo ay ka agdhow yihiin Guryo badan oo ay degan yihiin dad Shacab ah.

Dabka oo socday muddo ka saacad ayaysan suurtagelin in la baqtiiyo.
Cabdinuur oo ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in goobta ay soo gaareen Ciidamo ka tirsan maamulka Ahlusunna.

Kaalinta Gubaneysa ayaa ku taalla kasoo horjeedka saldhigga Booliska ee degmada Guriceel.