FAAH FAAHIN DHERAAD AH Oo ka sobaxeyso Weerar culus oo caawa ka dhacay degmada Afgooye iyo wararkii ugu dambeeyey

0
303

Dagaal xoogan ayaa caawa ka dhacay duleedka degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose kaasoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala gedisan, iyadoo la maqlayey qaraxyo.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalkan oo socday ku dhowaad hal saac uu bilowday markii xoogag taabacsan Al-Shabaab ay weerareen saldhig milateri oo ciidamada dowladu ku leeyihiin degmada Afgooye.

Ragga weerarka soo qaaday oo dhamaa illaa 20 dagaalyahan ayaa iska soo dhigay shacab iyagoo soo qaatay gaari caasi ah, weerarkana waxay bilaabeen markii ay gaareen afaafka hore ee saldhiga ciidamada milaterigu ku leeyihiin duleedka degmada Afgooye.

Inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin haddana Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo u badan dhinacyada iska horjeeday ayaa ka dhashay dagaalkaas oo hubka la isku adeegsanayey daryankiisa laga maqlayey gudaha degmada Afgooye.

Xaalada ayaa hadda degan, inkastoo xiisad iyo cabsi fara badan laga dareemayo gudaha degmadaas rasaas goos goos ah ayaana la maqlayaa iyadoo dadweynaha halkaas ku nool intooda badan ay xili horeba guryahooda ku xeroodeen.

Maamulka degmada Afgooye iyo saraakiisha ciidamada dowlada ayaan ka hadlin dagaalka caawa ka dhacay duleedka degmadaas, horeyna xoogaga Al-shabaab ayaa weeraro badan ugu soo qaaday gudaha iyo hareeraha degmadaas.