Israa’il oo bilowday inay ka saarto qalabka wax lagu baaro masjidka Qudus

0
356

Israel ayaa maanta bilowday in qalabka birta sheega ee dadka lagu baaro ay ka saarto albaabka masjidka Al-Aqsa, si ay u yareyso xiisadda ka dhalatay ee ka carreysiisay muslimiinta, islamarkaana dhaliyey isku dhacyo xooggan.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii golaha wasiirada Israel ay go’aan ku gaareen in qalabkan lagu beddelo kaamirooyin duuba dhaqdhaaqyada dadka.

Hase yeeshee, waxaa weli ka sii jira isku dhacyada ka taagan albaabka laga galo xeyndaabka uu ku dhex yaallo masjidka ee u dhaxeeya ciidamada Israel iyo Falastiiniyiinta.

Ergeyga QM ee hanaanka nabadda ee Bariga Dhexe, Nikolay Mladenov, ayaa ku baaqay in xal deg deg ah laga gaaro xasaradaha ku xeeran masjidka Al-Aqsa.

Xiisad ayaa cirka isku shareertay kaddib markii 14-kii July laba askari oo ka tirsan booliska Israa’iil lagu dilay Xaram al-Shariif halkaas oo Yuhuuduna ay u taqaan Temple Mount.

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Bariga Dhexe ayaa ka digay xiisadahan taagan ay halis ugu jiraan inay ku faafaan meelo ka baxsan goobahan barakaysan.

Jimcihii la soo dhaafay, saddex Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay iskudhacyo dhexmaray ciidammada ammaanka ee Israa’iil iyo dad dibadbaxayay, xilli kumannaan qof ay isugu soo baxeen Bariga magaalada Qudus iyo Daanta Galbeed ee la haysto