Koox hubeysan oo dagaal ka wada guriga Madaxweyne ku xigeenka Kenya

0
330

Koox Hubeysan ayaa goordhow galay Guriga Madxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto,waxaana ay gudaha u galeen dhismaha guriga halkaas oo uu hadda dagaal ka socdo.

Ragga hubeysan ayaa toogtay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka GSU ee Kenya kaas oo ilaalo ka ahaa albaabka,waxaana ay gudaha Guriga ka wadaan dagaal iyada oo ay Rasaas xoog hel dhaceyso.

Ciidamada Kenya ee gaarka ah ayaa ku biiray howlgalka waxaana ay hadda rasaasta ka socotaa gudaha dhismaha Guriga Ruto ee degaanka Sugoi.

Lama oga Cidda ay yihiin qolada weerartay Guriga Madaxweyne ku xigeenka Kenya,waxaana wali socda howlgalka u dhaxeeya kooxda weerartay gurigaas iyo Ciidanka gaarka ah ee Kenya.

Sidoo kale ma cadda wali in Mr Ruto uu Guriga ku jiro iyo in kale,waxaana ciidamada amaanka Kenya ee howlgalka wada ay ku howllanyihiin in ay soo gaba gabeeyaan.