Ma laga yaabaa in Wasiir Xoosh uu sabab u noqdo khilaaf ka dhex qarxa Hey’addaha dowladda

0
338
?????????????

Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa buuq ka dhex dhaliyay Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, kaddib markii uu ka hor-yimid go’aankii todobaadkii hore ay ku laaleen Amar ay soo saartay Maxkamadda sare ee dalka oo ahaa in dib loogu celiyo doorashada 8-kursi oo sharci ahaanshahooda muran la geliyay, isla markaana dacwado ka gudbiyeen Xubnihii tartanka kuraastaas qeybta ka ahaa.

Go’aanka Baarlamaanka uu ku buriyay amarkii Maxkamadda sare oo ah hey’addii ugu sareysay Garsoorka ayaa sababi kara inuu soo if baxo khilaaf ballaaran oo saameeya hey’adaha dowladda.

Qoraalkii bartiisa Twitterka ku soo qoray Wasiir Xoosh ayaa daaha ka qaaday is qab qabsiga awoodeed ee ka dhex jira Hey’addaha Dastuuriga, waxaana qoraalkii uu ku qoray bartiisa Facebook uu dhaliyay xasaasiyad aad u weyn oo sababtay in laga keeno mooshin lagu dalbanayo inuu ku hor-yimaado Baarlamaanka.

Wasiir Xoosh oo ah sharci yaqaan wax ka qoray Dastuurka KMG ayaa ah nin aan la gamban afkaartiisa, isagoo horay uga hadlay sharciyo quseeya Dastuurka oo xadgudub lagu sameeyay, marka loo eego aqoontiisa xaga sharciyeed iyo dib u eegista Dastuurka KMG oo lagu wado in wax ka bedel lagu sameeyo qodobada aan kala qeexeynin awoodaha hey’adaha dowladda ayaa la dhihi karaa mid wal wal ku abuuri kara Golaha shacabka.

Dastuurka KMG kuma qeexna awooda Maxkmadda sare, oo ka mid ah hey’addaha ugu sareeya dowladda, sidoo kale Xildhibaan xil kama qaadi karaan, go’aan Baarlamaanka uu gaarayna ma burin karo, sida ku cad dastuurka qodobo ka mid ah awooda ugu badan ayaa waxaa leh Golaha shacabka.

Kulankii Baarlamaanka ee shalay lagu waday in Wasiir Xoosh ku hor-yimaado, si su’aalo loo weydiiyo ayuu ka cudur-daartay, isagoo codsaday in fasax la siiyo illaa 11-ka bishan Agosto.