Maamulka degmada Balcad oo ka warbixi xabad joojin la dhax dhigay Beelo ku dagaalamay Degmadaasi.

0
954

Gudoomiye ku xigeenka maamulka Degmada Balcad ee Hirshababeelle ayaa  sheegay in ay xaliyeen dagaal beeleedkii dhawaan ka dhacay qeyba ka mid ah degmadaasi.

Gudoomiye ku xigeynka maamulka degmada Balcad Jeeelle Maxaas ayaa sheegay in waan waan maalmo ka socotay goobihii lagu dagaalamay ay ku guuleesteen xalintooda waxayna labada dhinac kala saxiix-deen heshiis xabad joojin ah.

Sidoo kale maamulka degmada Balcad ayaa sheegay in dhawaan loo fariisan doono wadahal kale oo lagu dhameynaayo dagaalkii dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay qeyba ka mid ah Balcad ayna ra jo ka qabaan in aysan dib u soo laaban.