Maamulka Galmudug oo gargaar kala soo degeysa Dakada Magaalada Boosaaso

0
331

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle ayaa sheegay in tobanka maalmood ee soo socota Raashin gargaar ah oo laga qaaday Muqdisho ay Galmudug kala degeyso Dekadda Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Madaxweyne Xaaf oo dib ugu laabtay Cadaado ayaa sheegay in bil iyo xoogaa oo uu ka maqnaa Galmudug uu ku maqnaa kaliya uu raadinayay sidii wax loogu qaban lahaa dadka ay abaaraha ku hayaan degaannada Maamulka Galmudug.

Xaaf ayaa sheegay in Diyaarado wada gargaar ay ka baxayaan Muqdisho islamarkaana tagayaan degaannada Galmudug maalmaha soo socda taas oo uu sheegay in ay horudhac u tahay gargaarka ka soo degaya Dekadda Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Abaaraha ka jira degaannada Galmudug ayuu sheegay in uu dadaal u galay sidii wax looga qaban lahaa ismarkaana uu ku guuleystay in shir looga hadlayo kaalmada Galmudug ay Hay’adaha samafalka ku yeeshaan Magaalada Cadaado,kaas oo dhici doona maalmaha soo socda.