Maamulkii Baladxaawo oo xilkii laga qaaday Kadibna Xabsiga la dhigay Iyo Xiisad Maanta Ka taagan Magaladaas

0
291

Mas’uuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka amniga Maamulka Jubaland iyo XIldhibaanno ka soo jeeda degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo ayaa gaaray degmadaas.

Markii ay tageen Degmada ayaa waxaa ay u yeereen Maamulka Degmada iyo Taliyayaasha Nabad SUgidda Degmada iyo Gobolka Gedo.

Kaddib ayaa lagu sameeyay xilka qaadis waxaana amar lagu bixiyay in loo taxaabo Xabsiga Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo,waxaana arrintan dhalatay kaddib markii Ciidamada Mamaulka ee Baladxaawo ay habeen hore Xabsiga kala baxeen  4 Wiil oo ay ku eedeeyeen Al-shabaabnimo ka dibna toogteen.

Arrintaas waxaa ka dhalatay in xiisad beeleed ay ka kacdo degmada islamarkaana ay cabsi  la kulmaan dadka degaanka.

Dadka xilka laga qaaday ee xabsigana loo taxaabay waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Baladxaawo,Guddoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada iyo Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka.