Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay Wararka sheegaya in Galmudug qeyb ka tahay dagaalka Xeraale

0
300

Waxaa dhawaan dagaal xoogan oo dhiig badan ku daatay ka dhacay Deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud, waxaana wali halkaasi ka taagan xiisad u dhaxeysa ciidamo katirsan kooxda Ahlu Sunna iyo ciidan deegaanka u dhashay.

Kooxda Ahlu Sunna oo iyadu la sheegay in ay duulaan ku qaaday deegaanka Xeraale ayaa ku eedeesay maamulka Galmudug ee xaruntiisu tahay Cadaado in ay qeyb ka ahaayeen dagaalkii dhawaan ka dhacay Deegaanka Xeraale.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ayaa beeniyay in ciidamada maamulka Galmudug ka qeyb qaateen dagaalka Xeraale, waxa uuna ku tilmaamay warkaasi kasoo yeeray kooxda Ahlu Sunna been abuur aan laga fiirsan.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Galmudug in wax lug ah aysan ku laheyn dagaalka ka socda Deegaanka Xeraale, waxa uuma ugu baaqay dhinacyada halkaasi ku dagaalamaya in ilaah ka cabsadaan oo xabada ka joojiyaan shacabka ay ku dul dagaalamayaan.

”Waxaan idin cadeenayaa Galmudug dagaalka kuma jirto, umana socoto, horeyna uma gelin hadana ma geli doonto, waxaan leeyahay walaalahay Ahlu-sunna iney ka waantoobaan arrinta dagaalka oo ka joojiyaan, waxaan leeyahay ilaah ka cabsada dhinacyada dagaalamaya oo shacabka u tura” Ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

Dhinaca kale Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in ay ka fiirsan doonaan wadahadalada kala dhaxeeya maamulka Ahlu Sunna iyo qorshiiisa ku aadan in ay kamid noqdaan golaha Wasiirada uu soo magacaabayo hadii aysan issbadal la imaan kooxdaasi.

” Arrintaasi waa mid u baahan xoogaa watqi ah, haddii laga fursan waayo oo Ahlu-sunna imaan weydo oo sidaan xaalkeedu kusoo socdo kolley waan ka guureynaa malihin ee in laga tashado ayeey u badan tahay” Ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

Ciidamo taabacsan maamulka Ahlu Sunna ayaa dhawaan duulaan ku qaaday deeganaka Xeraale ay joogaan ciidamo maleeshiyaad beeleed taabacsan maamulka Galmudug, waxaana deegaankaasi ka dhacay dagaal xoogan oo dhaliyay khasaaro aad u badan.