Madaxweynaha Hirshabeelle oo magacaabay Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Racfaanka iyo Dagmada Baladweyne

0
316

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa magacaabay Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Racfaanka Gobolka Hiiraan iyo Maxkamadda Magaalada Baladweyne.

Madaxweynaha ayaa Warqad ka soo baxday Xafiiskiisa lagu sheegay in Madaxweynaha uu la tashiyo la sameeyay dadka Gobolka iyo degmada islamarkaana soo gaartay baahida garsoor ee Gobolka Hiiraan.

Waxaana uu magacaabay Guddoomiyayaasha iyo garsoorayaasha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Hiiraan iyo midda Magaalada Baladweyne.