Mas’uul sare oo ka tirsanaa guddiga doorashooyinka Kenya oo meydkiisa la helay

0
307

Mas’uul sare oo guddiga doorashooyinka Kenya u qaabilsanaa maamulida hanaanka codeynta ee kombuuterada ayaa meydkiisa la helay iyadoo isbuuc uun ay ka harsan tahay doorashada guud.

Chris Musando, oo guddiga doorashooyinka ee IEBC u qaabilsanaa dhinaca farsamada tecknoolajiyada ayaa sameeyay hanaan uu ku sheegay in aan la jabsan karin.

Ninkan ayaa la waayay Jimcihii aan soo dhaafnay, sida uu sheegay boolisksa.

Wargeys ka soo baxa dalka Kenya ayaa ku warramay in meydka Mr Musando la helay iyadoo jirkiisu uu jirdil ka muuqdo.