Maxkamadda sare ee Ciidanka oo dil ku xukuntay Askarigii dilay Wasiir Cabaas Siraaji

0
334

Maxkmadda sare ee Ciidamada Qalabka sida ayaa dil ku xukuntay D/le X Axmad C/laahi Cabdi (Caydiid) 29 jir oo lagu eedeeyay dilka Wasiirkuu howlaha guud iyo dib u dhiska Cabaas Siraaji Sheekh Isxaaq oo 3dii May lagu dilay magaalada Muqdisho.

D/le X Axmad C/laahi Cabdi (Caydiid),ayaa horay Racfaan uga qaatay dil toogasho ah oo ay ku xukuntay Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida,waxaana uu u gudbiyay Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida taas oo iyadana Maxkamadda darajada 1aad go’aankeedii ku raacday islamarkaana dil ku xukuntay D/le X Axmad C/laahi Cabdi (Caydiid).

Qareennada u dooday Axmed ayaa racfaankii ay ka qaateen Xukunkii Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida waxaa uu u muuqdaa mid mar kale guul darreystay maaddaama dil lagu xukumay oo ay ku xukuntay Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida.

Waxaana la filayaa in Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida ay xukunkaasi dilka ah ku fuliso Axmed Cabdullahi Ceydiid oo loo heysto dilka Wasiirkii howlaha guud ee Soomaaliya Cabaas Siraaji.