Muwaaddin Somaliyeed oo xalay lagu dilay Wadanka Koofur Afrika Iyo Faahfaahin Dheraad ah Oo Ka sobaxeyso ,

0
320

Muwaaddin Soomaaliyeed ayaa koox Burcad ah waxaa ay ku dileen Dalka Koofur Afrika kaddib markii ay weerar ku qaadeen Gaari uu isaga waday.

Kooxo burcad Koonfur afrikaan ah ayaa Xaafadda Easterville ee Magaalada Cape Town ee dalkaas waxa ay ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Ala Ha u Naxariistee Mustaf Dheere.

Mustaf Nuur Axmed oo ah Muwaaddin Soomaaliyeed kana mid ahaa Soomaalida u shaqo tagtay dalka Koofur Afrika ayaa ka mid noqday muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee sida joogtada ah loogu laayo dalka Koofur Afrika.

Mustaf,waxaa uu ahaa Wade mid ka mid ah gaadiidka Xamuulka ah ee ay Soomaalida ka shaqeysato waxaana beegsaday Kooxaha Burcadda ah ee dalka Koofur Afrika oo waayadii dambe leynta ku hayay dadka Soomaaliyeed.

Dhawaan ayey ahayd markii Labo Muwaaddin oo Soomaali ah lagu dilay Dalalka Koofur Afrika iyo Muzambiig,kuwaas oo ay toogteen kooxaha burcadda ah ee isir naceybka ka wada Waddamada ay u dhasheen.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Koofur Afrika ayaa dhowr jeer sheegtay in arrintan ay kala hadleen Booliska dalkaas laakiin aysan jirin cid xil iska saartay amaba wax ka tiri iyada oo ay sii socdaan dilalka Soomaalida Dalka Koofur Afrika.