Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay qalalaasaha Qudus

0
350

Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Arbacadii sheegay in uu ka walaacsan yahay rabshadaha ku sii baahaya qeybta qadiimiga ah ee magaalada Qudus isaga oo ugu baaqay Isreal in ay arrintaa qaboojiso.

Hadalka ka soo baxay Guterres ayaa yimid kaddib marki ay ururrada Falastiiniyiinta ee Fatah iyo Hamas ku baaqeen in Jimcaha la sameeyo banaanbax weyn oo ka dhan ah amarada ay Isreal ku soo rogtay Masjid Al-Aqsa.

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday siyaasiyiinta, hogaamiyaasha diinta iyo madaxda bulshooyinka degan Qudus in ay joojiyaan ficilada iyo hadalada kicinta.

Xaaladda Qudus ayaa aad u kacsaneyd muddo todobaad ah, kadib marki ay Isreal ku rakibtay Masjidul Aqsa qalbka wax lagu baaro iyo kaamirooyin, taasoo ay dowlada Isreal ku sheegtay inay uga jaaweyeysay weerar 14-kii bishaan lagu dilay laba askari oo ka tirsanaa booliska Israel.