Qaramada Midoobey oo warbixin ka soo saartay duqeyn lagu diley Qaxooti Soomaali ah

0
329

Baaritaan ay sameysay qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in xulafada ay hogaamiso Boqortoyada Sacudi Carabiya ay mas’uul ka ahaayeen 42 Soomaali ah oo lagu diley xeebaha dalka Yemen bishii March ee sanadkan.

Warbixintan oo ka koobneyd 185 bog oo loo gudbiyay Isniintii aynu ka soo gudubnay Golaha Ammaanka ayaa yiri; “Doonta ay saarnaayeen qaxootiga ayaa lagu weeraray qori noociisu yahay 7.62 mm oo laga ridey diyaarad helikabtar ah.”ayaa lagu sheegay warbixinta ay soo saareen kooxda dabagalka cunoqabataynta saaran dalka Yemen.

Xulafada uu Sacuudiga hogaaminaayo ayaan ka jawaabin su’aalo ay weydiiyeen guddiga baarayaasha ah ee warbixintan soo saaray.

“Isbahaysiga ay hogaamiso Boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa ah kuwa kaliya ee awood u leh in ay isticmaalaan diyaaradaha dagaalka ee qumaatiga u kaca.”ayaa la sii raaciyay warbixinta. Iyadoo warbixintana lagu calaamadeeyay in  helikabtarta weerarka qaaday ay u badan tahay in ay ka soo kacday markab dagaal.

Illaa iyo hadda majiro wax jawaab ah oo ay ka bixiyeen isbahaysiga ay hogaamiso Boqortoyada Sacudi Carabiya  warbixinta ay soo saareen guddiga qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha dalka Yemen.