Qarax ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya Khasaaraha ka dhashay

0
301

Qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso ayaa maanta ka dhacay agagaarka Ex-Contarol Balcad ee magaalada Muqdisho , waxaana qaraxan la sheegay in uu khasaaro kasoo gaaray dad shacab ah oo marayay halka uu ka dhacay.

Goob joogayaal ku sugnaa halka wax ka dhaceen ayaa ku waramay in gaari nuuca raaxada ah ay la socdeen dad shacab ah uu haleelay qaraxa, waxaana khasaaro uu soo gaaray dadkii shacabka ahaa ee saarnaa gaarigaasi.

Inta la xaqiijiyay sadex qof oo saarnaa gaariga qaraxa la kacay ayaa ku dhaawacmay, dadka qaarkood ayaa dhaawacyadooda la sheegay in uu ahaa mid aad u culus, waxaana bur bur xoogan uu soo gaaray gaariga qaraxa haleelay.

Ciidamo katirsan Nabad sugida dowlada Soomaaliya oo gaaray halka uu qaraxu ka dhacay ayaa in mudo ah xiray aagaasi, waxaana laga baaray goobtaasi qaraxyo kale oo miino iyo waliba dad la tuhmayo in qaraxyadaasi aaseen.

Qaraxyada miino ee lagu aaso hareeraha wadooyinka ayaa ku badan degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir, waxaana qaraxyadan oo inta badan lala eegto ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM mararka qaar uu khasaaro kasoo gaaraa dad shacab ah.