Ruushka oo ka carooday cunaqabataynta cusub ee Maraykanka

0
318

Dowladda Ruushka ayaa si caro leh uga jawaabtay cunaqabataynta cusub ee congress-ka Maraykanka ay kusoo rogeen dalkaasi.
Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Ruushka ayaa sheegay in xiriirka labada dal uu gaaray meeshii ugu xumayd oo aanan xitaa la hagaajin karin.
Mid ka mid ah xildhibaanada aqalka senate-ka Ruushka ayaa sidoo kale sheegay “in Maraykanka looga aargoosto si ay xanuun iyo dhibaato ku dareemi doonaan dadka Maraykanka”.
Xitaa saxaafadda Ruushka ayaa si weyn uga hadlaysa cunaqabataynta cusub , iyada oo wargeysyada Moscow kasoo baxa midkood uu cinwaan bogga hore kusoo qoray “Ruushka waxaa la ciqaabay dabmi la’aan”.
Xildhibaanada Aqalka Wakiilada ama Congress-ka Maraykanka ayaa meel mariyey sharci xoojinaya cunaqabatayntii xukuumaddii Barack Obama horay ugu soo rogtay Ruushka, iyada oo waliba aad loo adkeeyey suurtogalnimada in si sahlan lagu qaadi karo.