Sambaloolshe “Waxaa jira masuuliyiin DF ka tirsan oo dhararsada in ay dhibaato dhacdo”

0
317

Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya C/laahi Maxamed Cali (Sambaloolshe) ayaa sheegay in ay jiraan masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo dharasada dhibaato amni ah in ka dhacdo magaalada Muqdisho, kuwaasi oo baraha bulshada ku faafiya waxyaabaha dhaca, iyaga oo dhaliil u jeedinaya Hay’adaha amniga.

C/laahi Maxamed Cali (Sambaloolshe) waxa uu si dadban uga jawaabayay hadal qoraal ah oo bartiisa Facebooka uu soo dhigay Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo dhaliilayay Hay’adaha amniga, kana hadlay isku dhac dhexmaray Ciidamo ka kala tirsan Nabad sugidda iyo Millitariga.

Wuxuu sheegay Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya masuuliyiinta qaar in ay aaminsan yihiin xasaanadda ay leeyihiin in ay uga hadli karaan wax kasta oo dhanka xuriyatul qowlka ah, islamarkaana ay sheegi karaan wixii afkooda soo qabta.

Laba iska hor imaadyad oo shalay ka kala dhacay barkontoroolada Umbulotooriyo Ceelgaab iyo Tiyaatarka ayaa waxaa ku geeryooday Taliye ku xigeenkii hore ee Nabadda Sugiida gobolka Banaadir (Jiijiile) iyo Saddex ka mid aheyd ilaaladiisa, dhanka Ciidanka Millitariga Hal Askari ayaa uga geeryooday.