Shabaab oo shacabka Kenya uga digay in ay ka qeyb galaan doorashada Madaxtinimada

0
293

Ururka Al-Shabaab ayaa uga digay shacabka dalka Kenya inay ka qayb galaan doorashada Madaxtinimada dalka Kenya oo dhaceysa Bisha August ee soo socota.

Madaxa Al-Shabaab ee dalka Kenya u qaabilsan Sheekh Axmed Iman Ali oo la hadlay Warbaahinta Ururka Al-Shabaab, ayaa wuxuu sheegay shacabka dalka Kenya inay uga digayaan inaysan ka qayb galin doorashada madaxtinimada Kenya.

Wuxuu sheegay doorashada dhawaan dhaceysa inay tahay mid abaabulkeeda ay leeyihiin dad gaalo uu ku sheegay, wuxuuna shacabka Muslimiinta ee Kenya uga digay inaysan ka agdhawaan goobaha doorashooyinka ka dhacayaan Kenya.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa dhawaan gaaray deegaano ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari Kenya, halkaasi oo uu ka waday olalihiisa ku aadan doorashada, wuxuuna ugu baaqay bulshada Somalida ee degan Gobolka Waqooyi Bari inay doorashada si wanaagsan uga qayb qaataan.

Digniintaan ka soo yeertay Ururka Al-Shabaab ayaa waxa ay cabsi iyo walaac xooggan ku abuureysaa shacabka Kenyan-ka ah oo markii horeba cabsi xooggan ka qabay weerarada Ururka Al-Shabaab ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya.

Sheekh Axmed Iman, ayaa waxa uu sheegay nabadda shacabka dalka Kenya inay ku xiran tahay Diinta Islaamka, waxaana uu ugu baaqay Bulshada Kenyan-ka ah inay ka agdhawaadaan goobaha dadka Muslimiinta ah joogaan.

Hay’addaha ammaanka dalka Kenya, ayaa dhawaan warbixin ay soo saareen waxa ay kaga digeen weeraro Ururka Al-Shabaab ay ka gaystaan gudaha dalka Kenya, inta lagu guda jiro doorashooyinka.