Shabaab oo weeraray xarun Ciidan oo ku taala degmada Hosingow ee Gobalka Jubada Hoose.

0
321

Wararka naga soo garaya degmada Hosingow ee Gobalka Jubada Hoose ayaa soo sheegaya in Al-shabaab ay weerar u badan madaafiic ay ku qaadeen degmadaasi.
Goob joogayaal ayaa sheegay in tiro hoobiyaal ay ku qaadeen Xarunta AMISOM ee ku leeyihiin Degmadaasi waxana la ogeyn qasaaraha ka dhashay ee dhimashada iyo dhaawaca ka dhahsay.
Maamulka degmada Hosingow ee Jubbaland ayaa sheegay in aysan Dagaalamayaasha Shabaab soo qaadin weerar culus balse ay meel banaanka ka ah degmada ka soo rideen Madaafiic iyo rasaas waxayna sheegeen in aysan ka dhalanin wax qasaara.
Shabaab ayaa dhankooda sheegtay in ay gudaha Magaalada ay ku galeen dagaal ayna weerar ku e keeyeen xarmaha maamulka iyo Kuwa Kenya.
ma jirto cid labada dhinac ka madax banaan oo xaqiijin karta qasaaraha weerarkaan iyo sida uu u dhacay.