Shariif Xasan oo maanta isku shaandheynaya Golahiisa Wasiirada Wasiirrada Ee Maamulka K,Galbeed Somaliya

0
312

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta la filayaa in uu isku shaandheyn ku sameeyo golihiisa Wasiirrada kaddib markii mushaar ku filan loo waayay golaha Wasiirrada ee Koofur Galbeed.

Shariif Xasan ayaa la filayaa in Golaha Wasiirrada uu ku soo koobo 18;Xubnood sida uu Idaacadda sheegay Suldaan Shariif Cali Xasan oo ka mid ah odayaasha laga talo geluyay isku shaandheynta maanta.

Waxaa uu Suldaan Shariif sheegay in Golaha Wasiirrada oo 63 xubnood ahaa loo waayay mushaar ku filan taasna ay sababtay in la dhimo Wasiirrada tirada badan ee Maamulka Koofur Galbeed.

Maamulka Koofur Galbeed ayaa la dhisay Bishoo November 2014kii,waxaana tan iyo xilligaas jiray habacsanaan dhanka Maamulka ah iyada oo markaas uusan lahayn wax Xildhibaanno ah.

Waxaana Xildhibaannadiisa la sameeyay dhamaadkii 2015kii,iyada oo markaas  wixii ka dambeeyay ay XIldhibaannada iyo Wasiirrada maamulaas ka cabanayeen mushaar la’aan dhowr jeerna ku dhawaaqeen Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Koofur Galbeed inkasta oo uu marar badan xalliyay.