Somaliland oo War kasoo saartay dagaalka ka socda Gobolka Sanaag

0
389

Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha ee Maamulka Somaliland C/llaahi Daahir Cukuse ayaa baaq nabadeed u diray beelaha ku dagaalamaya degaano ka tirsan Gobolka Sanaag.

Wasiirka ayaa sheegay in dadka Somaliland hada aysan u baahneyn dagaal iyo colaad mar kale ka dhex bilaabata.

Waxa uu xusay in lagama maarmaan ay tahay in dagaalka la joojiyo oo si wadajir ah loogu wada shaqeeyo Nabada iyo Xasiloonida degaanada Somaliland.
Waxa uu Maamulka iyo Shacabka Somaliland ugu baaqay in laga wada shaqeeyo sidii loo joojin lahaa dagaalka isla markaana loo heshiisiin lahaa beelaha colaada ka dhaxeyso.

\