War Deg Deg Ah : Dagaal goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

0
296

Waxaa goordhaw dagaal u dhaxeeyay Ciidamada xasilinta Xamar iyo ciidamo ku sugan  Xaafado katirsan Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley ee go bolka Banaadir.

Sida aan Wararka ku heleyno dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamada Xasilinta oo howlgal ka waday Madiina iyo Ciidaman  oo ku sugnaa xaafado katirsan Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in ay maqlayeen rasaas ay is dhaafsanayeen labada ciidan, walina lama oga khsaraaha ka dhashay dagaalkan ka bilowday Xaafada loo yaqaan Olombik ee kutaala xadka Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya ciidamada Xasilinta gacanta ku dhigeen labo nin hubeesan oo midkood dhaawac ahaa, ragan la qabtay ayaana kamid ahaa ragii dagaalka kala hortagay ciidamada Xasilinta .

Aaga dagaalka uu ka dhacay waxaa degan ciidamo  ku haysta Xildhibaan Yuusuf Kabaale oo katirsan Baarlamanaka Soomaaliya, lamana oga in dagaalkan ay ku lug lahaayeen ciidamada Xildhibaanka .

Waxii Warar ah ee kusoo kordha Warkan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah