Warar Dheraad Ah Oo Ka sobaxaayo Duqeyn xalay ka dhacday Gobolka Gedo

0
358

Weerarkaan oo labo jeer dhacay waxay wararku sheegayaan in ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee Kenya, weerarka hore ayaa dhacay galinkii dambe ee shalay, halka weerarka kale uu isna dhacay xalay.

Degaanka la duqeeyay waxaa lagu magacaabaa Kulbis,waxaana todobaadyadii la soo dhaafay degaankaas ka dhacay duqeyn diyaardeed oo Kenya lagu eedeeyay.

Saraakiil katirsan maamulka Jubbaland ee G/Gedo ayaa sheegay in khasaare ay kasoo gaartay Al-Shabaab duqeymahaasi sida ay sheegeen, waxayna tibaaxeen in gawaari aynan cayimin ay ugu gubteen goobta la duqeeyey oo saldhig u aheyd sida hadalka ay u dhigeen.

Ciidamada Kenya,kuwa Maamulka Jubaland,Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuw Dowladda Federaalka ayaa Gobolka Gedo dagaal kula jira Xarakada Al-shabaab,waxaana ay dhowr jeer isaga hor yimaadeen goobo kala duwan oo Gobolka ah.