Wasiirka Caddaaladda: ” 2; Todobaad ayaa lagu dhisayaa Guddiga adeegga garsoorka”

0
298

Wasiirka Caddaaladda Xukuumadda Soomaaliya  Xasan Xuseen Xaaji,ayaa maanta hortagay golaha shacabka,waxaana wax laga weydiiyay halka uu marayo Guddiga adeegga garsoorka dalka.

Xildhibaannada ayaa dood ay yeesheen waxaa ay soo jeediyeen una jeediyeen Wasiirka in uu dhamaan laalo todobada xubnood ee magacaabay islamarkaana ay horay u celiyeen.

Guddiga adeegga garsoorka oo ka kooban 9 Xubnood ayaa waxa la soo sameeyay todobo ka mid ah,waxaana dhinnaa labo xubnood oo ka kala iman lahaa Maxkamadda Madaniga ah iyo Xeer ilaalinta.

Xildhibaannada Golaha shacabka ayaa kal hore diiday in ay ansixiyaan Guddigan kaddib marii ay sheegeen in labo xubnood ka dhimanyihiin,waxaana dib ula laabtay Wasaaradda Caddaaladda.

Xildhibaannada ayaa maanta soo jeediyay in todobadaas xubnood la laalo islamarkaana la soo billaabo sameynta Guddiga adeegga Garsoorka iyada oo lagu saleynayo nidaamka qabaliga ah ee 4.5.

Wasiirka Caddaaladda oo markiisa madasha ka hadlay ayaa sheegay in Guddiga adeegga garsoorka uu ku soo dhisayo muddo labo bilood ah,isaga oo kala tashanaya dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah si uusan is qab qabsi dambe uga dhalan.