Wasiirka Caddaaladda oo maanta hortagaya Golaha Shacabka

0
301

Wasiirka Caddaaladda Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji,ayaa la filayaa in uu maanta hortago Golaha Shacabka Soomaaliya kaddib markii kulankii ugu dambeeyay ee goalaha shacabka ay 60 Xildhibaan soo gudbiyeen mooshin Wasiirka looga dalbanayo in uu hor tago Golaha shacabka.

Sababta 60ka XIldhibaan u dalbadeen Wasiir Xasan Xuseen Xaaji,ayaa ah in wax laga weydiiyo dhismaha Golaha Adeeggada garsoorka dalka oo ay ahayd in mar hore la dhiso.

Xildhibaannada Golaha shacabka ayaa Su’aalaha ay wasiirku weydiinayaan waxaa ka mid ah xeerka 28 lr ee dhismaha adeegga garsoorka faraya.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale kulankoodii u dambeeyay waxaa ay 10 XIldhibaan oo ka mid ah mooshin ku dalbadeen in Wasiirka Dastuurka uu hortago Golaha shacabka maalinta Axadda ah ee soo soxota oo Berri ku beegan.

Wasiir Xoosh ayey Xildhibaannada ku heystaan sababta uu uga horyimid go’aankii golaha shacabka ku laaleen go’aankii Maxkamadda sare ee dib u doorashada sideed ka mid ah Golaha shacabka.