Wasiirka Gaashaandhigga: “waxaan isu diyaarinnay in aan amniga kala wareegno AMISOM”

0
329

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya C/Rashiid C/llahi Maxamed, ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay isu diyaarisay sidii ay amniga dalka ugala wareegi lahayd AMISOM ciidanka dowladdana la wareegayaan.
Waxaa uu xusay in arrintaas ay horudhac u tahay Ciidamada Dowladda ee AMISOM hadda kalw areegaya dhismayaasha ay ka degganyihiin Muqdisho,kuwaas oo uu xusay in ay ugu dambeysay dhismaha Jaamacadda Gahayr.
Wasiirku waxaa uu intaas raaciyay in maalmaha ama bilaha soo socda ay Ciidamada Dowladda AMISOM kala wareegi doonaan goobo kale oo muhiim ah taas oo uu xusay in ay billow u tahay amni kala wraeegidda AMISOM.
Ciidamada Booliska,Milatariga iyo kuwo kale ayuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay u diyaarisay goobaha ay ka baxayaan AMISOM.
Wasiirka ayaa dhinaca kale xusay in Waddooyinka xaafadaha ee xiran aan la fureyn inta laga xaqiijinayo amniga Magaalada Muqdisho,waxaana uu dadka shacabka ah ugu baaqay in ay Ciidamada amaanka ka gacan siiyaan xaqiijinta AMniga dalka.