Weeraro ka dhaca Goobaha doorashada Kenya oo laga digay

0
325

Hay’addaha Ammaanka dalka Kenya ayaa ka digay Weeraro ay geystaan Al-Shabaab iyo Koox oo kale oo kasoo horjeeda dowladda Kenya maalmaha doorashadda Madaxtinimadda.

Kenya waxa ay sheegtay in heegan Buuxa la geliyay dhammaan Hay’addaha kala duwan ee Ammaanka,islamarkaana ay jirto Cabsida Al-Shabaab.

Kusimaha Wasiirka Amniga Gudaha dalka Kenya Fred Matiang’i ayaa Wariyeyaasha u sheegay in Diyaarado dagaal lagu ilaalin doono Goobaha codbixinta.
Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab iyo sidoo kale  Laikipia ay diyaariyeen Weeraro uu sheegay in ay isku jiraan Qaraxyo iyo Afduubyo.

” Ciidamada Ammaanka waa in ay indhahooda Furaan oo ay ka hortagaan Weeraradaasi ,maadaama ay jirto cabsi weyn ” ayuu yiri Fred Matiang’i .

Ciidamo boolis u badan ayuu sheegay in ay ilaalin doonaan Goobaha Codbixinta.

” Waxaan diyaarinay Ciidamo badan oo ka hortagi doona Weeraradaasi, waxaana isku dayaynaa in doorashaddu ay dhamaado iyadoo aysan Shabaab Weerar geysan” ayuu yiri Markale Fred Matiang’i .

Doorashadda Madaxtinimadda dalka Kenya ayaa lagu Waddaa in ay bilaabato August 8..