Xaalad Cakiran oo ka taagan degmada Caluula Iyo Dadkii Deegaanka Oo Bilaabay In Ay Barakacaan

0
419

Wararka ka imanaya magaalo xeebeedda Caluula ee gobolka Bari ee dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegaya in biyihii badda ay ku fataheen magaaladaas, islamarkaana ay ka barakaceen dhammaan dadkii kunoolaa.

Guddoomiyaha degmada Caluula, Cali-Shire Maxamuud Cismaan, ayaa warbaahinta u sheegay in biyaha ay qaadeen ka badan 100 guri iyo goobo ganacsi oo muhiim ahaa .

Guddoomiyaha ayaa sheegay in bar ka mid ah magaalada oo idil ay biyaha saameeyeen, islamarkaana ay sameeyeen gurmad ay u fidiyeen dadka ay biyuhu saameeyeen.

Maamulka Puntland ayaa ku dhaawaaqay in xaalad adag ay ka taagan tahay Magaalada , maadaama dadkii aysan haysanin waxyaabo ay cunaan.