Xukumada Somaaliya Oo saxiixay lacag gaareysa 1 Milyan

0
357

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa kulan  xafiiskiisa kula qaatay wafdi ka socday Bankiga Aduunka oo uu hogaaminayay madaxa Bankiga Aduunka u qaabilsan Soomaaliya .

Kulankaasi ayaa waxaa diiradda lagu saaray horumarinta hanaanka maamul maaliyeed ee dalka, kor u qaadista taageerada Bankiga Aduunka uu siiyo Soomaaliya iyo sidii deymaha looga cafin lahaa sida uu sharaxay wasiirka Maaliyadda Soomaliya.

Wasiir Bayle ayaa sheegay in Wafdiga uu la kulmay kor u qaadista taageerada Bankiga aduunka iyo sidii Soomaaliya loogu caafin lahaa deymanaha.
Wasiirka Maaliyada ayaa saxiixay lacag gaareysa 1 Milyan oo dollar oo bandiga aduunka uu ugu tala galay dadka ay abaauru saameeyeen iyo dadka kale ee danta yarta ah.

Waxa uu xusay in ay muhiim tahay in Bangiga uu xoojinayo taageerada Soomaaliya uu siinayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda qorshayaal kala duwan oo lagu hormarinaayo Hanaanka Maaliyadda Soomaaliya.